Sheekooyin Xiiso Leh!
Maanta waxa aan idin la wadaagayaa dhowr sheeko oo xikmadaysan.! Gabadh ayaa maalin maalmaha kamid ah soo booqatay saaxiibaddeed oo cunto karinta si heersare ah u taqaannay, si ay uga barato habka loo moofeeyo kalluunka kaddibna waxa ay aragtay iyada oo kalluunkii madaxa iyo dibka ka goynaysa; dabaddeed, waxa ay warsatay sababta ka danbaysa?! Itaal-baaska gabadhii waxa ay ku tidhi: “garan maayo, aniguba hooyaday baan ka arkay!”
Isla goobtii ayay hooyadeed wacday, wayddiisayna sababta ay kalluunka madaxa iyo dibka uga goyn jirtay?!
Hooyadeedna waxa ay ugu warcelisay: ” ‘bi’i waaye, ma anaa garan?!’aniguba islaantii i dhashay, ayaa sida tan suubbin jirtaye!” Wax ay socotaba, islaantii telefoon loo dir oo la wayddii sirta ku duugnayd in ay kalluunka madaxa iyo mijaha ka goyso marka ay karinayso?!
Dabaddeed, islaantii warkeeda la sugayay waxa ay ku jawaabtay: ” berrigaa suxuuntii iyo weelkii aan wax ku walaaqan jiray, ayaa ahaa qaar naqan oo yaryaraa oo – sidaa daraaddeed ayaan kalluunka u gaaggaabin jiray!” ‘Wadhi’ iyo ‘war la’aan’ weynaa’.!
Nuxurka sheekadu waxa weeye, in ay jiraan waxyaabo tiro badan oo si indho la’aan ah looga dhaxlay تﺎﻴﻛﻮﻠﺴﻟا quruumo hore iyo qarniyaddoodi, kaaga darrantana aan la isba wayddiin ‘jin’ iyo ‘jaan’ midka uu yahay?! – Iyo in sidoo kale, sancooyinkii iyo seetooyinkii ay jiilashii hore adeegsan jireen gu’yaal hore ,si ay uga gudbaan xalad xiliigaas darneeyd
Fadlan nugu so biir aqriste
No comments:
Post a Comment