W/Q Maxamed Cabdi Aden(Camash)
Ka Hor inta Aynu Gudogalin Mawduuceena Waxaan isyara dul taageynaa micnaha Qorshe !
Waa Maxey Qorshe ?
“Qorshe waa nidaam habaysan oo hawl lagu fuliyo Kaas oo ka kooban talaabooyin is daba yaal yaal kuwaas oo loogu talo galay in lagu gaadho yool ama hadaf cayiman muddo cayiman gudaheed.”
Qorsheyntu waa tan u horaysa una muhiimsan marka hawl la qabanaayo, hawl la qabto qorshe la’aan waa hawl aan la hayn wax macno ah iyo hawtulhamagnimo, inta badana waxay u muqataa hawl aan adkeyn.tusaale ahaan kasoo qaad inaad aroorta 6:00 subaxnimo ugu baxayso safar magaalo ka baxsan magalada aad degentay, waa hawl aan wax badan kaga baahnayn hadana qorshe kama maarmayso, waxad u bahantay inad diyaarsato gadiidkad raacileyd iyo inaad qadato sahay iyo wixii kaleed u bahantay sida waraqahaga aqoonsiga hadaad xuduud ka talaabayso. Qorshe waa inuu ahaado mid qoran aad goorkasta si sahlan u tix raaci karto cabirina karto markasta horumarkaad samayso,qorshe aan qornayn wuxu kugu sababi karaa inaad lunto waayo waxaad u dhigantaa nin yidhi maskaxdayda ayaan ku qadanayaa mapkayga umana baahni inan qaato waraqo wax ku sawiranyiin, tani waa arin khatara hadii uu shaki kaa galana waxaad halis u tay inaad samaayso go’aan khaldan.inteena badani maab nololeedkeena madaxeena ayaan ku sidanaa, “waana ta keenta inan is qiimayn kari wayno oon garan wayno xageen u soconaa oonan ku qanacno wixii ay noloshu inoo keento.”
Abu Qaasim al-shabi gabay afka carabiga ku qoran oo uu leeyay, ayuu dhulka ku su’aalayaa “Hooyo, basharka ma dhibsatay?” dhulkuna wuxu ugu jawabayaa
“Dadka waxaan barakadeyda siiyay kuwooda hammiga leh, een khatarta ka fuula.
Waxan nacdalay kuwooda aan wakhtiga la socon, noloshana iskaga qanca teeda adag”.
Hadaba nolosha qorshe qorani waa lagama maarmaan hadii aan rabno inan si aan leexleexad,jaahwareer iyo lumis toona lahayn inan u gaadhno hammigeena nolosha. Waxa laga yabaa inad is weydiinayso maxan uga bahanay qorshe nololeed qoran? Ma kombani ayaan ahay? Runtu waxa weeye kombani adaa ka qaalisan, maskaxda kambaniga hagaysaana waa adiga, laakiin hadad adigi lunto cidkale meel maad gaadhsiin? waa maya. Waayo horaa loo yidhi “Tiisaba Daryeela tukalena ku dara”.
Waa Maxey Qorshe La'aanta Wakhtigu ?
Qorshe La'aantu Waa sida qof Jiho La'aan Ah Oo meel uu kasocdo iyo meel uu kusocdo aan garaneyn waxa uu qabanayaa ina ay 90% fashil kudambeeyaan Qorshe La'aanta awgeed .
Qorshe la'aanta wakhtiguna waa qofka oo 24kii saac wax qabadkiisii isku dhexyaacsanyahey
Maareynta wakhtiga liidata waxay ka dhigan tahay inaadan awoodin inaad aragto sawirka weyn ee noloshaada oo aad si habboon u qorsheysato.
Waa inaad eegtaa hawlahaagga aad u baahan tahay inaad dhammaystirto bisha, toddobaadka iyo maalinta.
Hubi inaad wakhti ku filan u qoondaysay si aad u dhamaystirto dhammaan hawlahaaga.
"Qorshe La'aantu Waa Fursadii Wakhti Ee Aad Lahayd Ood Qabsan Waydo Taasoo mustaqbal kaaga nololeed kadhigta Mid Aad ku Qasaarto Ama Aad Guulo Kakeeni Weydo"
Waxyaabaha Sababa Qorshe la.aanta Wakhtiga Ama Qorshe Xumidda Waxaa Kamida :-
1. In qofku faham buuxa kaheysan sida wakhtiga loo qorsheysto iyo muhiimada ay leedahay maareynta wakhtiga.
2. Inuu yahay Ruux caajis nafeed iyo wahsaanan .Taasoo caqabad kaga noqota maaraynta wakhtiga3. In uu waayo fursad uu wakhtigiisa ku qorshysto isagoo kudhex jira shaqoyin badan oo usaa maxeyn inuu wakhtiga ukala qaybqaybiyo4. In layska caadaysto uun inlayska noolaado qorshe la'aan oo wakhtigii mudnaa in laga faaideysto lagu lumiyo wax aan qiimiba lahayn.
2. Inuu yahay Ruux caajis nafeed iyo wahsaanan .Taasoo caqabad kaga noqota maaraynta wakhtiga
"Ugu Danbeyn Dhalinyahey Qorshe Aan Yeelano Si Aan Ugarano Qiimaha Wakhtiga Una Gaadhno Hadafka Aan Nolosha Kaleenahey"
No comments:
Post a Comment